Buuggan qoraagu waxa uu ugu talagalay in dadka ay fahmaan Naafaninmada inaysan ahayn in qofka uu waayo xubin jirkiisa ka mid ah, laakiin naafanimadu waa marka qofka uu lumiyo kalsoonida ah inuusan wax qabsan karin. (Disability is not when you lose a limb, but it is when you lose your self-confidence)
Qoraaga noloshiisa waxay soo martay marxalado kala duwan oo isugu jira farxad iyo murugo taasoo u carbisey nolosha wanaagsan ee uu maanta ku noolyahay. Taas oo caddeyn u ah in haddii qofku uu dadaalo inaanay naafanimadu caqabad ku noqon karin noloshiisa.